Waxaa si rasmi ah loo soo gebagebeeyay wareegii tartanka ee (Business Planning and Pitching Workshop),

Waxaa si rasmi ah loo soo gebagebeeyay wareegii tartanka ee (Business Planning and Pitching Workshop), iyadoo dhammaan ka qaybgalayaasha lagu wargeliye natiijooyinka tartanka.

Tartankan oo socday muddo hal Maalin ah, waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Waaxda Shaqo-abuurka ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Zakariya Cabdi Xashi. Barnaamijkan waxaa si wadajir ah u fuliyay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), iyo Jaamacadda SIMAD.

Ujeedada barnaamijku waxay ahayd in dhalinyarada Soomaaliyeed lagu kobciyo xirfadaha hal-abuurka ganacsi, loona abuuro fursado ay fikradahooda ugu beddeli karaan ganacsiyo waara oo casri ah. Intii uu socday tartanku, dhalinyaradu waxay ka faa’iideysteen aqoon, tababar iyo la-talin, halka tartamayaasha guuleystayna la siin doono taageero maalgelin si loo hirgeliyo ganacsiyadooda.

Barnaamijkan wuxuu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu dhiirrigelinayo shaqo-abuurka, lana xoojinayo kaalinta dhalinyarada ee horumarinta dhaqaalaha dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Recent News & Events

Our Newsletter

Subscribe to our newsletter and be the first to know about exciting updates and valuable insights. Join our community today and never miss a thing!

Please enable JavaScript in your browser to complete this form.