Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo Abaalmarisay 10 Dhalinyaro oo Hal-abuur Ganacsi Leh

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku qabatay Xafladda Abaalmarinta Hal-abuurka Ganacsi, taas oo lagu abaalmariyay 10 dhalinyaro ah oo ku guuleystay tartanka Business Incubator.

Tartankan oo ay ka qeyb galeen ku dhowaad 50 dhalinyaro ah ayaa lagu qiimeeyay hal-abuurkooda ganacsi, waxaana ugu dambeyn la doortay 10-ka ugu sarreeyay ee buuxiyay shuruudihii tartanka.

Agaasimaha Waaxda Shaqo-abuurka ee Wasaaradda, Mudane Sakariye Cabdi Xaashi, ayaa sheegay in barnaamijkani uu qayb ka yahay dadaallada lagu dhiirrigelinayo hal-abuurka iyo koboca dhaqaalaha dalka, si dhalinyaradu u abuuraan fursado shaqo oo waara.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Recent News & Events

Our Newsletter

Subscribe to our newsletter and be the first to know about exciting updates and valuable insights. Join our community today and never miss a thing!

Please enable JavaScript in your browser to complete this form.