Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa wada dadaallo lagu xoojinayo Barnaamijka Qaran ee Shaqo-abuurka (National Employment Programme – NEP), kaas oo diiradda saaraya horumarinta fursadaha shaqo-helidda iyo shaqo-abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed.
Barnaamijkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda ee lagu horumarinayo aqoonta, xirfadaha iyo awoodda dhalinyarada, si loogu diyaariyo ka-qaybgal wax-ku-ool ah oo ay ku yeeshaan suuqa shaqada,
National Employment Programme (NEP) wuxuu muhiim u yahay xoojinta adeegyada shaqo-helidda, kobcinta xirfadaha shaqaalaha iyo taageeridda dadaallada qaran ee lagu dhimayo shaqo la’aanta, gaar ahaan dhalinyarada.
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS waxay sii wadi doontaa hirgelinta barnaamijyo iyo dadaallo lagu taageerayo horumarinta dhalinyarada, ballaarinta fursadaha shaqo-helidda iyo kobcinta shaqo-abuurka dalka.





