Agaasimaha Waaxda Shaqo-abuurka ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Zakariya Cabdi Xashi, ayaa maanta si rasmi ah u furay tababar ku saabsan Hal-abuurka Ganacsiga, kaas oo loogu talagalay qayb ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed.
Tababarkan oo socon doona muddo shan cisho ah ayaa waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), iyo Jaamacadda SIMAD. Ujeedada tababarku waa in dhalinyarada lagu dhiirrigeliyo inay la yimaadaan fikrado hal-abuur leh oo loo beddeli karo ganacsiyo casri ah. Dhalinyarada ka qaybgalaysa barnaamijkan ayaa heli doona taageero farsamo iyo fursado maalgelin ah, si ay u hirgeliyaan ganacsiyadooda riyada ku saleysan.
Barnaamijkani wuxuu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo shaqo-abuurka, isla markaana lagu dhiirrigelinayo doorka dhalinyarada ee horumarinta dhaqaalaha dalka





